Hilibka Digaagga: Shirkad Dillaacisay 10 Kun Oo Beed Ah

Hargeysa (HCTV) – Shirkad ka ganacsata Hilibka Digaagga ayaa Magaalada Hargeysa ku dillaacisay illaa 10 kun oo Beed ah, si muddo ka dib digaaggaasi Hilibkiisa loo iibiyo.

Shirkaddan oo lagu Magacaabo Lootah Poultry Farm oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa 8-dii bishan waxay iyadoo Mishiinno adeegsanaysa Dillaacisay 10 kun oo Beed ah.

Beedka oo muddo 21 Maalmood ah ku jiray Mishiinno loogu talo-galay ayaa muddadaa ka dib dillaacay, waxaana Xerada Shirkaddaasi ay ku daryeesho Digaagga cammiray kumanaan isku midab ah, laakiin loogu talo-galay in mustaqbalka dhow Hilibkooda laga faa’idaysto.

“Waa markii ugu horreysay ee Somaliland lagu dillaaciyo Beed Caafimaadkiisu wanaagsan yahay..” ayuu yidhi, Madaxa Shirkadda Lootah oo la hadlay HCTV.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

 

Horn Cable Tv