Israel: Netanyahu Oo Qarka U Saaran Inuu Markii 5aad Noqdo Raysal Wasaare

Tel Aviv, (HCTV) – Benjamin Netanyahu ayaa u muuqda inuu noqodo markii shanaad raysal Wasaaraha dalka Israel, markii ay soo dhamaatay doorashadii sida adag loogu tartamay.

Netanyahu ayaa ka soo jeeda xisbiga ayaa u muuqda inuu ka guulaysto Benny Gantz oo hore u ahaa Madaxiisa shaqaalaha.

Warbaahinta Israel ayaa ku waramaysa in tiro ka badan 97% codadkii la tiriyey, ay labada dhinacba ay haystaan saadaasha ah inay ku guulaysteen 35 kursi midkiiba.

Waxaanay tirintii ugu dambaysay ay muujinaysaa inuu Netanyahu uu u muuqdo inuu jidka u xaadhay ku soo noqoshada awooda hogaamineed ee dalka Israel. Waxaana xisbiga Likud uu meel dhigtay 65 kursim halka inta kale ee codadka ay isu geyn 120 kursi oo kale ay ku guulaysteen labada xisbi ee Orthodox-ka ah, Halka xisbiga bidix dhexe uu hogaaminay Gant z oo isagu taageero ka helay xisbiyada Carabta uu ku guulaystay  55 Kursi.

Inkastoo aan lagu dhawaaqin wali natiijada rasmiga ah ee doorashadii maalintii shalay ka dhacday Israel, ayaa hadana taageerayaasha xisbiga Likud ee Benjamin Natanyahu uu hogaamiyahaa ay u dabaal dageen guushiisa iyagoo xarunta Raysal Wasaaraha eek u taala caasimada Tel Aviv ay laleeyeen calamo.

Waxaana maalintii shalay uu Raysal Wasaare Netanyahu uu sheegtay inuu guulaysay oo xisbiga Likud uu si cad guul uga gaadhay doorashada isagoo ku hambalyeeyey taageerayaashiisa sida ay u aamineen.

Si kastaba ha ahaatee inkastoo la tiriyey in ka badan 97 codadkii la dhiibtay hadana wali laguma dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee doorashada Israel.

Waaxda Online-ka Ee HCTV