Mudane Ka Mid Ahaa Guurtida Oo Hargeysa Ku Geerityooday

Hargeysa (HCTV) – Waxa Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Allaah ha u naxariistee Muuse Ciise Xamari oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Guurtida ee Somaliland.

Geerida Xildhibaanka waxa xaqiijiyey Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Mr. Beegsi sida ay baahisay Idaacadda Radio Hargeysa oo Telefiishanka Horn Cable Tv u Warkan ka soo xigtay.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa Mudaneyaasha Sanadihii u dambeeyay ku soo biiray Xildhibaannada Golaha Guurtida oo Kuraastiisa la kala dhaxlo.

 

Horn Cable Tv