Trump Oo 6 Bilood Kadib Ka Hadlay Booqashadii Xaaskiisa Ee Ahraamta Masar

Washington, (HCTV) – Bishii October 2018, marwada koowaad ee dalka Maraykanka Melania Trump ayaa booqatay afar dal oo ku yaala qaarada Afrika oo qayb ka ahaa socdaal Kaligeed ah oo aanu ku wehelin odaygeeda Madaxweynaha ka ah dalka Maraykanka ee Donald Trump.

Marwada koowaad oo markaasi socdaalkeeda ka bilawday dalka Ghana kadibna u safartay Malawi iyo Kenya ayaa markii dambe dalka Masar kula kulantay Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi iyo warwadiisa, waxaannay Marwada koowaad ee dalka Maraykanku ay booqatay buuraha Aasaarta qadiimiga ah ee Ahraamta loo yaqaano ka hor intii aanay dib ugu duulin dalkeeda.

Xiligaas Marwada Koowaad ee dalka Maraykanku Melania trump ay safarka ku jirtay, laba jeer ayuu Madaxweyne Trump uu qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo ku wajahahnaa marwada koowaad ee xaaskiisa ah, isagoo leh Melania iyo Afrika si qurux badan ayay iskaga heleen. Kadibna waxa uu guud maray safarka isagoo leh, in haweenaydiisu ay safarkaasi si fiican u matashay Maraykanka.

Hadaba mudo Lix bilood laga joogo ayuu Madaxweyne Taraam arintii uu sii xoojiyey waxaanu sheegay in Dalxiiska dalka Masaru u cajiib yahay, sababtoo ah sida ay layaabka u leeyihiin. Sidii cajiibka lahayd ee iyadu ay halkaasi socdaalka ugu tagtay Ahraamta.” Ayuu yidhi Madaxweyne Trump oo ka hadlayey booqasho uu ugu yimid dhigiisa dalka Masar Cabdifatax Al-Sisi oo Aqalka Cad ay ku yeesheen wadahadalo ay kaga hadlayeen arimaha amaanka iyo Ganacsiga ee labada dal.

Waaxda Online-ka Ee HCTV