Aasaasaha Shabakadda Siraha Faafisa ee Wikileaks oo La Xidhay.

Related image

LONDON,UK (HCTV) Ciidamada Booliska ee dalka Ingiriiska, ayaa Xabsiga u taxaabay Julian Assange oo ah  aasaasaha shabakadda sirta faafisay ee Wikileaks.

unug ka tirsan Booliska UK, ayaa gudaha u galay dhismaha safaaradda wadanka Ecuador ku leeyahay magaalada London oo Mr.Assange uu 7 sano magan galyo ahaan ugu jiray.

Maamulka  shabakadda Wikileaks, ayaa ku eedeeyay dawladda Ecuador inay jabisay sharciga caalamiga ah ee Magan-galyo doonka.

ECUADOR OO DULQAADKU KA DHAMMAADAY

Madaxwaynaha dalka Ecuador, ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in dawladiisu si madaxbanaan ay u joojisay magangalyadii ay siyeen Julian Assange sanadkii 2012 kadib markii ay u dulqaadan kari waaayeen hab-dhaqanka julian Assange, oo uu sheegay inuu wali faraha kula jiro arrimaha gudaha ee dalalka kale  ” julian assange wuxuu faro galin ku hayaa arrimaha dalal kale” Madaxwayne  Moreno

” arrintii ugu dambaysay ee dhacday bishii koobaad ee sanadkan ee siraha laga faafiyay Vatican-ka waxay muujinaysa shakiga caalamku ka qabo in Mr.Assange uu wali ku lug leeyahay shabakadda Wikileaks, isla markaana uu farogalin ku hayo arrimaha gudaha ee dalal kale” ayuu yidi madaxwaynaha Ecuador Lenín Moreno

Dhuumashada Assange Maxaa Sababay ?

Mr Assange, oo 47 jir ah, ayaa galay safaaradda Ecuador, isagoo cabsi qaba in loo gacan galiyo wadanka Sweden halkaasi oo taalo dacwad kufsi la xidhiidha oo isaga loo haysto.

julian assange waa uu beeniyay eedaymaha kufsiga ee loo haysto isagoo ku tilmaamay mid siyaasadi dabada ka riixayso.

Sidoo kale dawaladda Maraykanka ayaa doonayso in lasoo gacan galiyo Mr. Assange iyadoo u haysata inuu siraha Maraykanka kusoo daabacay Shabakadda Wikileaks.

Dawladda Ruushka ayaa sheegtay inay isha ku hayn doonto kiiska mr Assange, iyadoo ku baaqday in xuquuqdiisa la tixgaliyo.

Wikileaks Maxay Yahay ?

Shabakadda Wikileaks, waxaa la aasaasay 2006-dii waxaana aasaasay julian assange oo u dhashay dalka Sweden.

shabakaddani ayaa faafisay kumanaan sirood oo ay kala baxday Emailada Madaxda caalamka waxaana ugu badan siraha ay ka faafisay dawladda maraykanka oo aad uga cadhootay arrintaasi, balse dalal kale oo badan ayaa sidoo kale ay shabakadani ka faafisay siro badan oo ay kala baxday nidaamkooda.

 

 

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA