Cumar Al-Bashiir oo Hubaal La’aan ku Sugan iyo Xaaladda Suudaan oo Qasan.

 Related image

Khamiis-11-4.2019 khartuum (HCTV) Xaalad wadanka suudaan ayaa Cakiran, Ciidamo badan oo Militeri ah ayaa lasoo dhoobay wadooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Kharduum.

waxaa jira warar laysla dhexmarayo oo sheegaya inuu Jiro Afgambi Militeri. taangiyada dagaalka iyo askar badan  ayaa lagu arkay wadooyinka, wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas cusul laga maqlay xarunta taliska guud ee militeriga dalkaasi oo ku taala magaalada khartuum.

Warbaahinta dawladda ayaa baahisay inuu Jiro war muhiim ah oo ay soo saaridoonan taliska Militeriga dalkaasi ” waxaa jira war muhiim ah oo ay shaacin doonaan Militerigu  fadlan suga warkaas” ayuu yidhi wariye ka hadlay Telefishanka dawladda.

Madaxweynaha lagu kacsan yahay ee dalkaasi Cumar xasan Al-bashiir, Ayaa ku jira xaalad hubaal la’aan ah, waxaa la rumaysan yahay inuu ku Jiro xarutna  Taliska Militeriga iyadoo aan la ogayn xaaladdiisa Dhabta ah.

Image result for WOMEN IN PROTEST IN SUDAN

Mudaaharaadeyaal badan ayaa  soo buux dhaafiyay jidadka khartuum, iyagoo ku luuqaynaya hal ku dhegyo ka dhan ah xukunka Cumar Al-Bashiir.

Gen. Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka wadanka suudaan Hayay 30-kii sanadood ee lasoo dhaafay.

Hadii Af-gambiga laysla dhexmarayaa uu hirgalo, waxay noqon doontaa in militerigu ay sii xejisteen xukunka wadankaasi  oo aan marnaba ciidanku faraha ka qaadin.

 

Taariikhda Xukun Militeri ee Suudan.

tan iyo markii uu xoriyadda qaatay wadanka Suudaan 1956-dii, xukunka wadankaasi waxaa u kala dambeeyay  Saraakiisha Militeriga  oo inqilaab kula wareegay xukunka.

Af-gambigii ugu dambeeyay ee dalkaasi ka dhaca, waxaa uu ahaa 1989-kii markaasi oo saraakiil uu ka mid ahaa Madaxwaynaha xaalku ku adag yahay ee xiligan Cumar Xasan Al-Bashiir   ay Af-gambiyeen  xukuumaddii Saadiq Al Mahdi.

Related image

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA

Image result for WOMEN IN PROTEST IN SUDAN

Image result for Sudan: Army says it will make 'important announcement'