Dagaal Liibiya Ka Socda Oo Wer-wer Ka Abuuray Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Waxa Maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ka soo degay dhallinyaro reer Somaliland ah oo hore Dalka uga Tahriibay.

Dhallinyaradan oo muddo ku dhibaataysnaa Dalka Liibiya, ayaa waxa dedaal u galay soo celintooda Hay’adaha Hay’adda Qoxootiga Barakacayaasha ee Somaliland oo kaashanaysa Hay’adaha IOM iyo UNHCR.

Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ka hadlay 23-ka dhallinyarada ah ee Dalka dib ugu soo noqday ayaa yidhi “Waa dhallinyaradeenii oo ku dhibaataysnaa Liibiya oo Illaahay inoo soo celiyey. Waxaad tinaaddeen dhulkiinii iyo Dawladdiinii baad u timaaddeen..”

Dhallinyarada Dalka ku soo laabtay ayaa Xirfado la bari doonaa, sida uu sheegay Guddoomiye Xinif “Kuwa Caafimaad u baahan Cisbitaallada ayaa la geynayaa, wixii Xirfad ama Waxbarasho u baahana waalla barayaa, waana diyaar..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu wer-wer ka muujiyey dhallinyarada reer Somaliland ee xilligan ku sugan Magaalada Tripoli ee Dalka Liibiya, halkaasi oo uu dagaal ka socday Maalmihii u dambeeyay “Kuwa (Dhallinyarada) idinka dambaysa Wer-wer badan baanu ka qabnaa siday u soo noqon doonaan, Waayo? Dalka Liibiya waxa ka socda Dagaal, malaha Magaalada la islama soo geline, laakiin hareeraheeda oo dhan buu ka socdaa, markaa Ilaahay baynu u baryeynaa inuu ka soo nabad-geliyo..”

 

Horn Cable Tv