Dastuurkii Suudaan oo la laalay iyo Xaalada Deg deg ah oo Lasoo Rogay.

Khartuum (HCTV) Hogamiyaha Cusub ee La Wareegay Talada wadanka Suudaan, Awad Maxamed awf,  waxaa uu jeediyay  awaamiir dhawr ah oo ay soo saareen Golaha militeri ee afgambiga fuliyay Kuwaasi oo wadanka lagu maamuli doono.

Saraakiisha Militeriga ee inqilaabka Fuliyay ayaa soo jeediyay Awaamiirtan.

  • Golaha Militeri ayaa la wareegay awoodda wadanka, oo hayn doona laba sano ah.
  • Dastuurkii wadanka oo la laalay.
  • Saddex bilood oo xaalad deg deg ah lagusoo rogay wadanka.
  • isgaadhsiinta oo la xayiray muddo bil ah.
  • khadadka diyaaradaha oo la xidhay muddo 24 saacadood ah .
  • in doorashooyin loo diyaariyo wadanka muddo laba sanadood ah gudaheed.

Mr Awf, waxaa kale oo uu sheegay inay ixitiraami doonaan xuquuqda aadanaha iyo daris wanaagga, waxaana uu ugu baaqay dadwaynuhu inay la shaqeeyaan ciidamada xukunka la wareegay.

 

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA

 

Alaa Salah, a Sudanese woman propelled to internet fame earlier this week after clips of her leading powerful protest chants against Bashir went viral, addresses protesters during a demonstration in front of the military headquarters on Wednesday, April 10.