Gaalkacayo: 36 Jir Kufsaday Gabadh Lix Jir Ah Oo Dil Lagu Xukumay

Gaalkacayo (HCTV) – Maxkamadda Derajada koowaad ee Gobolka Mudug, ayaa Dil Toogasho ah ku xukuntay Nin 36 Jir ah oo lagu eedeeyay inuu kufsaday isla-markaana xanuunka HIV/Aids qaadsiiyey Gabadh yar oo Lix jir ah.

Garsooraha Maxkamadda Derajada koowaad ee Gobolka Mudug, Muxyaddiin Cabdiqaadir Maxamuud oo dhegaysiga dacwaddaasi ka dib, ku dhawaaqay Xukunka maxkamaddu soo saartay ayaa yidhi “Maanta waxa Maxkamadda la horkeenay eedaysane Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi oo Kufsi u geystay dhibbane Farax Jaamac Faarax, Maxkamadda Derajada koowaad ee Gaalkacayo waxay ku xukuntay Dil toogasho ah iyo 5000 dollar oo ay u xukuntay dhibbanaha..”

Garsooraha ayaa sheegay in Ninka dilka lagu xukumay Da’diisu tahay 36 jir, halka Gabadha uu kufsaday tahay lix sano jir “Ninka kufsiga geystay wuxuu ahaa Nin la nool cudurka Aids-ka..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa Maxkamaddu waxay eedaysanaha ku xukuntay dil toogasho ah…”

Aabbaha dhalay Gabadha dhibaatadu soo gaadhay oo Warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Xukunka ka dhacay dood kama qabo..”

Falalka Kufsiga ah ayaa ku soo badanaya deegaannada Gobolka Mudug ee Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv