Suudaan: Xadhigga Madaxdii La Soo Shaqeeyay Al-bashiir Oo Bilaabmay

Khartoum (HCTV) – Dalka Suudaan oo Awooddiisa Maamul ay Maanta la wareegeen Ciidammada Milletarigu ayaa waxa ka socdo hawl-gallo lagu xidh-xidhayo Masuuliyiintii la soo shaqeeyay Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo Maanta awooddiisii ku wareejiyey Ciidammada.

Warbaahinta Mashhad Al-Sudany news ayaa sheegtay in Ciidammadu xidheen Dad ka badan 100 Qof, kuwaasi oo dhammaantood ah kooxdii Madaxweyne Al-bashiir.

Dadka la xidhi-xidhay ayaa waxay iskugu jiraan Siyaasiyiin hore iyo Madax ka mid ahaa Xukunka Al-bashiir ee xilligan, waxaana siyaasiyiintaasi ka mid Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Suudaan Ali Osman Taha, Wasiirkii hore ee Difaaca Abdel Rahim Mohammed Hussein.

Waxa kale oo Ciidamadu xidheen Ahmed Haroun oo ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Talada Suudaan haya.

Dhanka kale, Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya Magaalada Khartoum, kuwaasi oo la xidhiidha Madaxweynihii xilka ka degay, waxaana Wararkaa qaarkood sheegayaan inuu Xabsi guri ku jiro, halka qaarkoodna sheegayaan inaan la ogayn halka uu ku sugan yahay.

La Soco Wixii soo kordha

 

Horn Cable Tv