Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Safiirka Maraykanka U Qabilsan Somaliland/Somalia

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qabiilay safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynaha somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay HCTV.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED:12 /04/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka dalalka Maraykanka iyo Somaliland iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee labada dal ka dhexeeya.

Arrimaha sida gaarka ah kulankan diiradda loogu saaray, ayaa waxa ugu waaweynaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan, sidii ay shirkadaha Maraykanku u maalgashan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen horumarka ay ku talaabsanayso Somaliland, xaaladda gobolka, Amaanka iyo Dimuqraaddiyadda ka hano qaadday Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka waxa socdaalkiisa ku wehelinaysay madaxa xafiiska ganacsiga iyo dhaqaalaha ee safaaradda Maraykanka, Ms Shella A. Billas iyo madaxa xafiiska hay’adda USAID.

Dhinaca madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.