Tartanka Heerka 1aad Oo HCTV Soo Qaban Qaabiyey Oo Ka Furay Garoonka Gurya-samo

Hargeysa, (HCTV) –  Waxa si rasmi ah magaalada Hargeysa gaar ahaana Garoonka kubadda Cagta ee Guryo Samo looga daahfuray tartan heerka koowaad ee kubadda Cagta oo ay ka qaybgalayaan Ciyaaryahanada Heerka koowaad ee garoonka Guryasamo.

Taas oo dadweyne tiro badani ay ka soo qaybgaleen Tartankaasi HCTV soo qaban qaabiyey oo ciyaartii furitaanka oo dhexmartay Guuleed Nutration Center iyo kooxda African Relief, ciyaarahan heerka hoowaad ee sida isku dhafka ah ee laga bilaabay garoonka Guryo Samo ayaa waxa bogaadiyey oo ka soo qaybgalay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha mudane Boos Mire Maxamed oo ka hadlay habka is-dhexgalka dhalinyarada caasimada Hargeysa ay ugala qaybqaadanayaan Telefishanka HCTV, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan mar labaad iyo mar sadexaad u mahadnaqayaa Telefishanka HCTV Gudoomiyihiisa Farxaan Iyo Agaasimihiisa Maxamed Ilig iyo dhamaan shaqaalaha oo aad iyo aad isugu taxalujiyey sidii ay u samayn lahaayeen is-dhexgalka dhalinyarada, waxa qaaliya dhalinyaradeena ku ciyaaraysay xawaadle ay halkan joogto.

Dhalinyarada waxaan ku waaninayaa inay sidaasi isku dhexgalaan inay aaraada isdhaafsadaan inay ciyaar wanaagsan muujiyaan. HCTV mar labaad iyo mar sadexaadba waxaan ugu sii mahadnaqayaa isagoo nala qaatay siyaasadii wadanka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu nagu hogaaminayey oo ah dhiirigalinta dhalinyarada iyo ciyaaraha, ciyaaro badana qabtay, isdhexgalka dhalinyaraduna waa qaali.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Garoonkaasi iyo  Yaasiin Aabo Yare oo iyaguna amaanay qaabka HCTV usoo abaabuleen tartanka ciyaaraha heerka koowaad ee ka furmay oo ka bilaabmay garoonka Guryo samo oo in mudo ah aan lagu ciyaarin, “Waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa HCTV oo la yimd dardar aad u badan oo uu ku muujinayo naxariis uu u qabo dhalinyrada iyo in la hago dhalinyrada oo laga hor-istaago dhalinyrada rimo badan oo balwaduhu ay ka mid yihiin, tahriibta.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha garoonka guryo samo.

Sidoo kale Cabdikariin Siciid Saalax oo matalayey Telefishanka HCTV ayaa ka hadlay sida HCTV uu diyaarka ugu tahay tartanada is-dhexgalka dhalinyarada ee ciyaaraha ayaa waxa uu yidhi “Telefishanka HCTV iyo Hornsat oo isaguna maalgalinta leh ayay arintaa ugu mahadnaqaynaa gaar ahaana Gudoomiyaha Telefishanka Farxaan Xaaji Cali Axmed oo arintaasi nagu hogaaminaya iyo sidoo kale Agaasimaha Telefishanka Maxamed Cabdi Ilig oo isaguna sidoo kale shaqaalaha ku horkacaya inay arintaasi Hirgaliyaan,” ayuu yidhi Cabdikariin Siciid Saalax.

https://www.youtube.com/watch?v=NaSpWR_cMrU&t=33s