Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Xeer Xaasaasi Ah

Hargeysa (HCTV) – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta ansixiyey Xeerka Ciidanka Booliiska, Xeer Lambar 63/2013, kaasi oo ka soo noqday Golaha Guurtida.

Xeerka Booliiska oo sannadkii hore Dalka buuqa ka abuuray, ayaa hore Golaha Wakiilladu u ansixiyeen, una gudbiyeen Guurtida, kuwaasi oo iyaguna soo eegay, wax ka beddelna ku sameeyay Qodobbada xeerkaasi qaarkood.

Qodobbada Guurtidu wax ka beddelka ku sameeyeen waxa ka mid ah Qodobka 16-aad oo ka hadlaya Awoodaha Ciidanka Booliiska.

Golaha Wakiillada ayaa hore u ansixiyey in Boolisku aanay rasaas nool u adeegsan karin dad aan hubaysnayn. Laakiin Golaha Guurtida ayaa qodobkaa ku sameeyay wax ka beddel, raaciyeyna ‘Haddii aanay nabadgalyada guud ee Qaranka waxba u dhimayn’, hase-ahaatee Golaha Wakiillada oo wax ka beddelka Guurtida ka dib, uu Xeerkaasi ku soo noqday ayaa Qodobkaa ku ansixiyey sidiisii hore ee ahayd ‘In Boolisku aanay rasaas nool u adeegsan karin Dad aan hubaysnayn.’

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka