Hal Qodob Oo Safiirka Maraykanku Kala Wada-hadlay Madaxda Soomaalida

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Maraykanka oo dhaqdaqaaqyo diblumaasiyadeed ka wadda Gobolka Geeska Afrika, ayaa Safiirkooda Soomaaliya wuxuu Toddobaadyadii u dambeeyay kulamo la yeeshay Madaxda Soomaalida.

Danjire Donald Y. Yamamoto oo sannadkii hore uu Madaxweyne Doland Trump u magacaabay inuu noqdo Safiirka Maraykanka ayaa Soomaaliya, ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyay bilaabay kulamo uu la yeelanayo Madaxda Maamul-gobolleedyada Soomaaliya iyo Somaliland.

Danjire Yamamoto wuxuu socdaalkiisii u horreeyay ku tagay maamul-gobolleedka Puntland, waxaanu Magaalada Boosaaso kulan kula yeeshay Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, toddobaad ka dibna waxa uu kulan kaasi la mid ah uu Magaalada Hargeysa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Kulamada uu Safiirka Maraykanku la yeeshay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Puntland, waxa ka sii horreeyay mid uu la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Jubba-land, Axmed Madoobe, kaasi oo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Axmed Madoobe uu dabayaaqada bishii hore safar ku tagay.

Madaxda Soomaalida ah ee uu la kulmay Yamamoto ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxyaabihii ay wada-hadleen, laakiin War uu ka soo saaray Xafiiska Yamamoto kulamadaasi, ayaa lagu sheegay in Safiirku uu Madaxda Soomaalida kala hadlay arrimo badan oo muhiim ah, balse waxa Safiirku uu dhammaan Madaxda uu la kulmay la soo qaaday Qodob khuseeya hadlay Siyaasadda Gobolka Geeska Afrika.

Xafiiska Yamamoto oo baahiyey kulankii uu Boosaaso kula yeeshay Madaxweynaha Puntland, 1-dii bishan Aprill wuxuu ku sheegay in Safiirka iyo Madaxweynuhu u kulmeen inay ka wada-hadlaan “Siyaasadda Gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha”

Xafiiska Danjiraha ayaa qoraal uu Internet-ka ku baahiyey 5-tii bishan oo uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland wuxuu qoraal kooban ku yidhi “Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe waxay u kulmeen inay ka wada-hadlaan siyaasadda Gobolka iyo Arrimaha Horumarinta..”

Sidaasi si la mid ah, ayaa Xafiiska danjiraha Maraykanku War uu ka soo saaray kulanka Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku sheegay inay ka wada-xaajoodeen arrimo ay ka mid yihiin siyaasadaha Gobolka, Horumarka iyo gargaarka Bani-aadamino.

 

Horn Cable Tv