Madaxweyne Farmaajo Oo Shacabka La Kulmay Xili Muqdisho Rayid Lagu Laayey

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa Shacabka Degmada Warta Nabada kulan kula yeeshay dadweynaha degmaadaasi, waxaana dadka degamadaasi ku dhaqani ay xaruntaas ku soo dhoweeyey Madaxweyne Farmajo kuna taageeray howlgalada Ciidamada ee Sugida Amniga dalka.

Kulankan Madaxweynaha Somalia uu galabnimadii maanta uu kula yeeshay dadka degmada Warta Nabada ayaa ku soo beegmaya xili dadweynaha Muqdisho ay si balaadhan uga dibadbaxeen dilka ciidamada Bileysku ay u geysanayaan shacabka ku dhaqan Muqdisho gaar ahaana dhalinyarada gaadiidka Bajaajta loo yaqaano ku ganacsada.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya maadaama oo magaaladu kacsanayd galinkii hore ee maanta oo ciidamada Bileysku ay ku dileen shan qof oo shacab dibadbaxayey ah ayaa amaankeedu uu caawa iyo galinkii dambe ee maanta uu degenaa.

Waaxda Online-ka Ee HCTV