Soomaaliya Oo ka Hadashay Fidinta Dastuurka Iyo Arrimaha Somaliland

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Dastuurka Federaalka lagu fidinayo dhammaan Maamul-gobolleedyada Dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka, Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Dastuurka ay Gobollada Dalka gaadhsiinayaan uu weli yahay Dastuur ku meel-gaadh ah, maaddaama buu yidhi ay Federaalka ka maqan tahay Somaliland oo 1991-kii ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale.

Wasiir ku-xigeenka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Somaliland waa Maamul dhisan oo odhanaya waxayagu waa Madax-banaani, arrintaasina waa arrin siyaasadeed oo u baahan in wada-xaajood siyaasadeed laga galo..”

Masuulku waxa kale oo uu sheegay inay doonayaan inay Wasaarad ahaan dastuurka ku fidiyaan Dawlad-gobolleedyada Soomaaliya “Socdaal ayaanu ku tagaynaa Maamul-gobolleedyada Soomaaliya oo aanu dastuurka u geynayno, laakiin Somaliland nooma qorshaysna.”

Wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in Dastuurka Soomaaliya uu ku meel-gaadh ahaanayo “Qadiyadda Somaliland oo aan meel la dhigin oo aan wax la isla garanin, Dastuurkani wuxuu noqonayaa Dastuur qabyo ah oo ku meel-gaadh ah..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv