Cilad Maanta Ku Timid Facebook, Whatsapp Iyo Instagram (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Baraha Bulshadu ku xidhiidho, sida Facebook, WhatsApp iyo Instagram, ayaa qayb ka mid ah Bulshada Dunida u shaqayn waayey muddo Saacado ah, Axadda Maanta.

Sidaasi waxa baahiyey Downdetector.com oo la socda Mareegaha Internet-ka ee Cilad ku timaadda hawada uga baxa, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Horn Cable uu Warkan ka soo xigtay.

Website-ku wuxuu sheegay inuu diwaangeliyey illaa 9000 oo War-bixinood oo Bulshada Isticmaasha Baraha Bulshadu ku sheegayso Ciladda ku timid Facebook.

Khariirad uu soo bandhigay Website-ka la socda Cilladuhu ayaa muujisay in Ciladda ku timid Baraha Bulshada ee Facebook ka mid yahay ay xuduntoodu ahayd ama Ciladdaasi ugu badnayd Dalalka Qaaradda Yurub.

Downdetector.com, waxa kale oo uu soo weriyey in Ciladda ku timid WhatsApp iyo Instagram ay ka yarayd ta Facebook haleeshay.

Ciladdan soo waajahday Facebook iyo WhatsApp ayaa gelinkii dambe ee Maanta laga dareemay Dhulka Soomaalida, laakiin markii dambe Xaaladda labadaa Adeeg waxay ku soo noqotay Caadi.

Bishii hore ee March ayay ahayd markii ay Facebook soo waajahday Ciladdii ugu ballaadhayd, taasi oo ahayd in muddo 24 Saacadood ah uu hawada ka maqnaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka