Dalal Afrikan Ah Oo Mamnuucay Isticmaalka Bacda

Dodoma, (HCTV) – Dalka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen bacaha halka mar la isticmaalo ee wax lagu qaato laga bilaabo bisha June, talaabadan ayaa ah dagaalka lagula jiro dhibaatada ay bacuhu keenaan.

Raysal Wasaare Kassim Majaliwa ayaa Baarlamaanka dalkiisa u sheegay in bacaha wax lagu qaato aan mudo intaa ka badan inaan la sii isticmaali doonin bacaha ujeedooyin ganacsi iyo kuwo dadku ay wax ku qaataanba, waxaanu digniin u jeediyey kuwa soo saara iyo kuwa ku qaybiya suuqyada ee ka ganacsada.

Sidoo kale xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa ayiday go’aankan ay dawladu ku mamnuucayso bacahan dhibaatada ku haya deegaanka iyo sharci lagu joojinayoba.

Mr Mussa Sima oo ka tirsan xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in sharcigan ay u dhimantahay oo kaliya in lagu baahiyo Wargeyskayada dalka oo kaliya.

Wasiirka deegaanka ee dalka Tanzania ayaa isaguna baarlamaanka u sheegay in daabacaada sharcigani uu diyaar yahay.

Dalalka Bariga Afrika ayaa waxa hogaaminaya dalka Rwanda oo iyagu sharci lagu mamnuucayo bacan, halka dalka Kenya uu isna meel mariyey joojinta bacahaasi, sioo kale Koofurta Sudan ayaa iyaduna talaabadaasi raacday, halka Burundi ay iyaduna ku dhaqantayba meel marinta xayiraada bacaha 2018-kii.

Intii lagu gudo jiray xuskii maalinta deegaanka ee sanadkii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha dalka Uganda President Yoweri Museveni ayaa waydiistay madaxa amaanka ee dalkiisa inuu meel mariyo ku dhaqanka joojinta baha iyo in uu ku amrayo meelaha soo saara bacahaasi inay joojiyaan samayntooda.

Waaxda Onlineka HCTV