Ujeeddada Xus Laascaanood Loogu Sameeyay Sayid Maxamed Cabdalle Xasan

Laascaanood (HCTV) – Magaalada Laascaanood ayaa markii u horreysay lagu qabtay xus loo sameeyay Aasaaskii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, kaasi oo muddo dheer dagaal kula jiray Ciidammadii Dawladda boqortooyada Ingiriiska oo gumaystay deegaanno Somaliland ka mid tahay.

Daraawiishta oo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan aasaasay 1898-kii, ayaa waxa markii koowaad xus loogu sameeyay Magaalada Laascaanood, waxaana xuskaasi ka qayb-galay Tobannaan Qof oo Magaaladaa ku nool.

Xubno ku hadlay Magaca qaban-qaabiyeyaasha oo kala ah Urur lagu Magacaabo Dhambaal iyo Naadiga Akhrista ee Ismaaciil Mire, ayaa faahfaahiyey ujeeddada ay Xuskan u sameeyeen.

Sheekh Cabdillaahi Shaadibi oo ku hadlayey Magaca Ururka Dhambaal ayaa yidhi “Waxyaabaha booska weyn ugu jira, laakiin maqaamkii la rabay aan la dhigin waxa ka mid ah halgankii Daraawiishta..”

Sheekh Shaadibi waxa kale oo uu sheegay “Ujeeddada barnaamijkani waa inaynu ka sheekaysano oo aanu Quluubteena ka dhammaanin Daraawiishtii iyo Ahmiyaddda ay u leeyihiin Ummadda Soomaaliyeed, waana taariikh Soomaali wada leedahay..”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Naadiga Akhrista ee Ismaaciil Mire, waxaanu ka warramay Taariikhdii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan iyo Arrimo kale oo ujeeddada xuskan uu ku sii faahfaahiyey.

Waxa Xusid Mudan in Xubnaha soo qaban-qaabiyey Xuska iyo Dadka ka qayb-galayba ay Madaxa ku xidhnaayeen Weer cad.

Ugu dambayn, Halgankii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ayaa ku xusan Dastuurka Somaliland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka