Kiniisad Qadiimiya Oo Holcaysa Iyo Reer Paris Oo Banaanka Tuban

Paris, (HCTV) – Dab xoog leh ayaa baabiiyey Kiniisad weyn oo ku taala Caasimada dalka Faransiiska ee Paris, taas oo lagu magacaabo Notre Dame Catheral, ayaa waxa ka holcay dab aad u balaadhan oo baabiiyey dhismahan qadiimiga ah oo mudo qarniyo ah jir oo ku yaala wadnaca caasimada dalka Faransiiska, sida ay xaqiijiyeen sarkiisha dalkaasi.

General Jean-Claude Gallet, oo ah madaxa dab-damiska magaalada Paris ayaa warfidiyeenada ku sugan dibada kiniisada gubanaysa u sheegay in muuqaalkii guud ee dhismaha la badbaadiyey, markii saacado ka hor uu dab ka holcay.

Hase yeeshee, Madaxweynaha dalka Emmanuel Macron ayaa sheegay “In Khatarta laga fogaado, xataa hadii aynaan dagaalka ku guulaysan”. Isagoo Kiniisada ku tilmaamay inay tahay xudunta noloshooda, waxaanu balan ku qaaday in Faransiisku ay dib u dhisi doonaan Kiniisada Notre Dame.

“Waxay tahay waxa dadka Faransiisku ay sugayeen, maxaa yeelay waa taariikhdayada iyo sooyaalkii dheeraa ee aanu soo marnay” ayuu Madaxweynaha Faransiisku u sheegay Wariyeyaasha ku sugan banaanka kiniisada caanka ah ee Gubatay.

Dad tiro badan oo ka soo jeeda Paris iyo dad safar ku jooga dalkaasi ayaa isugu soo ururay si ay u daawadaan gubashadan wareerka ah, waxaana ku dhagsan Kiniisada gubanaysa Bankiga River Seine, shaqaalaha gargaarkuna dib ayay uga soo baxeen holaca baxaya awgeed, halka dabdamisku ay sheegeen in aanay badbaadin karin dhismaha.

Waaxda Onlineka Ee HCTV