Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Milatariga Sudan

Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalak Ethiopia Abiy Axmed ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda dalka Sudan oo galabnimadii maanta soo gaadhay dalka Ethiopia oo uu hogaaminayo General Galaledin Alsheikh, oo ka mid ah golaha ku-meelgaadhka ah ee Milatariga Jamhuuriyada Sudan.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed, kaas oo lagu sheegay in General Galaledin Alsheikh uu Raysal Wasaare Abiy Axmed warbixin ka siiyey xaalada dalka Sudan ku sugan yahay, waxaanu hoosta ka xariiqay in xidhiidhka ay Ethiopia la leeyihiin uu muhiimad leeyahay.

Waxaanu General Galaledin ugu baaqay dawlada Ethiopia inay sii wado taageerada iyo barbar istaaga mudada dheer ee dalkiisa ay dalkiisa garab taagnayd, gaar ahaana xiligan lagu gudo jiro ku-meel-gaadhka.

Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa isna dhiniciisa cadeeyey in dawlada Ethiopia ay diyaar ula tagay inay taageerto dadka Sudan, waxaanu muujiyey Raysal Wasaaraha Ethiopia in taageerada ugu horaysa ay tahay ama ay sees u tahayba in ay xushmaynayaan madaxbanaanida Sudan iyo in aanay jiri doonin wax faragalin ah.

Raysal Wasaaraha Ethiopia waxa uu ku booriyey golaha Milatariga ee ku-meelgaadhka ah in ay u wajahaan xaaladaha Sudan iyo xiligan ku-meelgaadhka ahba si nabadgalyo ah.

Waaxda Online-ka HCTV