Taageerayaasha Ilhan Omar Oo Isku Soo Baxyo Ka Dhigay Minnesota

Minnesota, (HCTV) – Taageerayaasha gabadha muslimada ah ee ka tirsan aqalka Congress-ka dalka Maraykanka Ilhan Omar,  ayaa dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Maraykanka ka dhigay magaalada laga soo doortay Ilhan Omar of Minnesota.

Ururka ka shaqeeya arimaha Islaamka ee dalka Maraykanka ee CAIR ayaa ku dhawaaqay isku soo baxan inay uga gol leeyihiin “Taageero ay ugu muujinayaan Xildhibaan Ilhan Omar iyo inay aw wadaagayaan waxa ay wadaagaan reer Minnesota oo dhami”.

Dibadbaxan lagu taageerayo gabadhan Asalkeedu Soomaaliga yahay ee ka tirsan Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ayaa ka dhacay meel uu kulan ku lahaa Madaxweynaha Trump oo isagu booqasho ku yimid gobolka laga soo doortay Ilhan Omar oo dagaal dhinaca afka ahi uu kala dhexeeyey.

Waxaana dadweynihii isku soo baxa ka qaybgalay oo isugu jiray Soomaali iyo dadkale oo degan Minnesota ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan Ilhan Omar.

Dhinaca kale maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa wajahaysay hanjabaado loo soo dirayey oo loogu goodinayey dil.

HORN CABLE TV.