“Xasaanad Ka Qaaddida Xildhibaannadu Kama Imanin Xukuumadda..” Gar-yaqaanka Guud

Hargeysa (HCTV) – Gar-yaqaanka guud ee Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal ayaa sheegay in soo jeedinta ah in Xasaanadda laga qaado Xildhibaannada Goleyaasha deegaanka aanay ka imanin Xukuumadda, balse ay tahay aragti ka timid Guddi Hoosaadka Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada.

Gar-yaqaanka guud oo Maanta la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi “Xeerku wuxuu dhisayaa qaab-dhismeed dhan oo la mid ah ka Dawladda dhexe, muhiimadda uu leeyahayna waxa weeyaan in la caddeeyo shaqada Maamul daadejinta ee Adeegyada Bulshada, lana caddeeyo dhaqaalaha Dawladaha hoose inuu noqdo mid Daah-furan..”

HCTV wuxuu waydiiyey Gar-yaqaanka guud in soo jeedinta ah in Xildhibaannada Goleyaasha deegaanka laga qaado Xasaanadda ay ka timid Xukuumadda iyo in kale, waxaanu ku jawaabay “Qodobkaasi kuma jirin Xeerkii ka degay Xukuumadda, marka koowaad Xanaasadda waxa lagu helaa laba Arrimood, ta koowaad in Madaxweynuhu uu Qof Magacaabo, sida Wasiir oo kale, Wasiirkaasi Xasaanad ayuu leeyahay intuu Xilka hayo, waxa kale oo Xasaanadda lagu helaa doorasho, markaa in Xildhibaannadu leeyihiin Xasaanad waxay ku jirtaa Xeer lambar 23, laakiin Annagu maanu odhanin ha laga qaado Xasaanadda oo lama taabanin, waayo? Qofku Xasaanadda wuxuu ku helayaa Codka lagu doortay, laakiin Aragtida ah in laga qaado waxay ahayd mid ka timid Guddi hoosaadka arrimaha gudaha, laakiin qaadashadeeda iyo ka noqoshadeedu waxay u taallaa Golaha Wakiillada..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka