Khasaaraha Ka Dhashay Laba Qarax Oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Laba Qarax oo loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyey walxaha qaraxa ayaa ka dhacay maanta oo Arbaca ah magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waxaana ku dhintay afar qof halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ciidamada bileyska ee Muqdisho.

Qaraxa ka dhacay Isgoyska Dabka ayaa loo adeegsaday gaadhi walxaha qaraxa laga soo buuxiyey, waxaana goobta uu qaruxu ka dhacay ay boqol talaabo u jirta xarunta Bileyska ee Waaberi.

Gaadiidka gargaarka ayaa goobta soo gaadhay si ay gurmad ugu fidiyaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Sidoo kale isla barqo nimadii hore ee maanta ayuu qarax kale ka dhacay ilinka hore ee hotelka Mubaarak ee Waddada Maka Al-Mukarma, waxaana qaraxaasi isna loo adeegsatay gaadhi goobta yaalay oo walxaha qarxaa laga soo buuxiyey.

HORN CABLE TV