Balochistan: Dablay Laysay Rakaab Bas Ku Safrayey

Islamabad, (HCTV) – Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu dilay toogasho kadib markii weerar lagu qaaday rakaab saarnaa bas oo marayey deegaanka Ormara eeKoonfurta-galbeed ee gobolak Balochistan ee dalka Pakistan.

Dadkan la laayey ayaa laga soo dajiyey baskii ay saarnaayeen, waxaana loo kexeeyey meel labaad oo ah goobta lagu laayey.

Wasiirka Warfaafinta ee gobolkaasi oo la yidhaa Zahoor Buledi ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la laayey aanay ka soo jeedin gobolka Balochistan balse ay hada ku hawlgan yihiin baadhistooda.

“Dhamaantood waxa ka muuqata dhaawaca Rasaasta,” ayuu yidhi waxaanu intaasi ku daray in aanay jirin cid dhaawac ah oo dhamaantoodba ay dhinteen.

Waxaana ay intaasi ku darayaan wararka laga helayo deegaankaasi dadka lagu laayey in Ciidamada amaanka ee dalka Pakistan ay ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dablaydaasi jidgooyada u gashay dadka Baska Saarnaa.

HORN CABLE TV.