Ciidamada Danab: Dufcadii 1aad Ee Turkigu Tababaray Oo Qalinjabiyey

Muqdisho, (HCTV) – Dufcadii koowaad ee ciidamada tababarka gaarka ah qaatay ee Danab (lightening) ayuu usoo dhamaaday tababartii ay ku qaadanayeen Xarunta Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah.

Unuga ciidamada gaarka ah oo loo yaqaano (Eagle) ayaa ah ciidamadii ugu horeeyey ee Danab ka mid noqon doona ee ka qalinjabiya Saldhiga turkigu ku leeyahay dalka Somalia ee la yidhaa Turk-Som base, waxaanay ka kooban yihiin 330.

Balse waxa jira ciidamo kale oo ciidamada Danab ka mid ah oo ay tababareen dawlado kale oo ay ka mid tahay dalka Maraykanku.

Waaxda Online-ka Ee HCTV