“Halka Madaxtooyada Laga Dhisayo Waxa Lahaa 72 Qoys..” Madaxtooyada

Hargeysa (HCTV) – Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay dhaliilo loogu jeediyey dhismaha Madaxtooyada cusub, kaasi oo Dadka qaarkood sheegeen inay Dadkii lahaa halka dhismuhu xoog lagaga qaaday.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Maxamed Cali Bile oo Maanta Warbaahintu waydiisay waxa jira eedaha arrintaasi loogu jeediyey, ayaa sheegay in Dadkii deganaa halka Madaxtooyada cusub laga dhisayo ay si nabadgalyo ah uga guureen isla-markaana Gurigii u dambeeyay uu ka ambo-baxay khamiista Maanta.

Agaasimahaa oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dadkii lahaa (Halka Madaxtooyada Cusub laga dhisayo) ee loogu tagay, boqolkiiba 99.9 way ka ambo-baxeen oo Salaan ayaa lagu kala tagay, laakiin hal Guri ayaa ku sii hadhsanaa Gurigiina saaka ayaa laga raray meeshii.”

Masuulkan oo la waydiiyey in Qoys la yidhaahdo reer Xasan Dalab leeyihiin dhulka Madaxtooyada laga dhisayo, kuwaasi oo Maalmihii u dambeeyay Warbaahinta ka hadlayey ayaa ku jawaabay “Qoyska reer Dalab malaha meesha (Madaxtooyada laga dhisayo), waxa lahaa Ummad dhan oo 72 Qoys ah oo meesha degannaa, Cid wax loo ballan-qaaday ma jirto, Cid wax la tarayana waa Wax Dadkaas oo dhami u siman yahay..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka