“Reer Awdal, Xaq Umalaha Inay Matalaan 13 Xildhibaan..” WADDANI

Borama (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa soo jeediyey in hoos loo eego Tabashada reer Awdal ee la xidhiidha Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Maxamed Sidiid Dhamme oo ka mid ah Masuuliyiin Xisbigaa ka mid ah oo Safar ku tagay Magaalada Boorama, ayaa isagoo Warbaahinta kula hadlaya halkaasi wuxuu ugu horrayn rejo-xumo ka muujiyey in doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiilladu ay xilligii loo muddeeyay ku qabsoomaan, waxaanu yidhi “Inkasta oo Kulmiye ka Caga-jiidayo, oo aanay suurto-gal ba ahayn inay doorasho dhacdo markaad eegto siday wax u socdaan.”

Mr. Dhamme wuxuu ka hadlay Saami-qaybiga Kuraasta Golaha Wakiillada, waxaanu Madaxweynaha u soo jeediyey inuu arrintaa wax ka qabto, si reer Awdal u helaan Xildhibaano ka badan 13-ka Xubnood ee ay hadda ku leeyihiin Wakiillada, “Saami-qaybiga, reer Awdal xaq uma laha inay Xildhibaano 13 ahi Matalaan, Beelaha dhex ee Somaliland-na ay lahaadaan Tiro Lixdan ku dhow oo Xildhibaanno ah, reer Awdal-na aan la dhegaysanin, markaa reer Awdal waxay xaq u leeyihiin in Madaxweynuhu uu saami-qaybsiga ku dhaco oo uu ku dhiirado oo la helo Saamigii uu Gobolkani lahaa iyo Xildhibaannadii Gobolkan Matali lahaa oo tiro ahaan u dhiganta Tirada Gobollada kale..”

Masuulkan ka midka ah WADDANI wuxuu sheegay inaan Cidna xil iska saarin Gobollada darafyada “Awdal iyo Sool-ba Xil weyn la iskama saaro, Somaliland-na waxaad mooddaa sida Salli ka soo duubmaya darafyada..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka