Hargeysa: Xawaalad Kacday Oo Hantideedii La Iibinayo

Hargeysa (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa ku dhawaaqday in la iibinayo Fooq ay lahayd Xawaalad lagu Magacaabi jiray Qaran, taasi oo Musalaftay ama Kacday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, Axmed Dalmar Ismaaciil oo ay hareero tuban yihiin Guddi ka mid ah Dadkii Saamiga ku lahaa Shirkadda kacday ee Dartood loo xaraashayo Fooq dhowr dabaq ah oo Shirkaddaa Hantideedii ka soo nool, ayaa ku dhawaaqay sababta keentay in la iibiyo Fooqaasi oo ku yaalla badhtamaha Magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Maxkamaddu waxay Masuuliyiintii Shirkadda kacday ka dhegaysatay sababtii keentay inay kacdo, markii labaadna waxay Magacowday Guddi ay ka xushay Dadkii Hantida ku lahaa Fooqan aynu hortiisa taagan nahay, markaa ka dib waxay Maxkamaddu bilowday inay Tiro-koobtu Hantidii ay Qaran lahayd, waana la Tiro-koobay dhammaan Hantidii ay lahayd Xawaaladdii Qaran, waxayna Maxkamaddu Qaraar ku soo saartay in Shirkaddii Qaran kacday..”

Guddoomiye Dalmar waxa kale oo uu sheegay “Markaa waxa soo dhamaaday dhammaan Nidaamkii Sharci ee loo mari jiray Shirkad Kacday. Dacwaddani waxay soo socotay illaa 2013-kii, markaa Dacwaddaasi waxay u bislaatay fulin, Hantida markii la Tiro-koobay ay yeelatay waa Fooqaa aynu daba taagan nahay. Sidaa darteed waxaanu ku dhawaaqaynaa Cidda danaynaysa iibka Fooqa Qaran inuu iib yahay, Hoolka Maxkamadda ayaa lagu tartamayaa, Naadinta Iibku waxay soconaysaa muddo bil ah..”ayuu yidhi.

Dhismahan la iibinayo oo ka soo horjeeda Xafiiska guud ee Shirkadda Dahabshiil ku leedahay Magaalada Hargeysa, ayaa la doonayaa in loo qaybiyo Dadkii Saamiyada ku lahaa Xawaaladdii Qaran, kuwaasi oo la sheegay inay Tiradoodu ku dhowdahay 300 Saamile.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka