Afrika: Madaxweyne Xafiiskiisii Uga Guuray Masas

Liberia (HCTV) – Madaxweynaha Dalka Liberia George Weah ayay qasab ku noqotay inuu waajibkiisa shaqo ku guto Gurigiisa gaarka ah.

Madaxweyne George Weah ayaa ka firxaday Xafiiskiisa, ka dib markii laga helay laba Mas, sida ay ku warrantay Laanta Afka Ingiriiska ee BBC-du.

Smith Toby oo ah Xoghayaha Warfaafinta ayaa sheegay in sababta uu Madaxweynuhu uu Gurigiisa uga dhigtay Xafiis uu ku shaqeeyo isla-markaana uu uga guuray Xafiiskiisu tahay in Xafiiska laga helay laba Mas oo midabkoodu Madow yahay.

Xafiiska Madaxweynuhu ku shaqeeyo ayaa ku yaalla dhismaha Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Liberia.

Shaqaalaha dhismaha uu Madaxweynuhu ku shaqaynayey ayaa loo sheegay inay maqnaadaan illaa 22-ka bishan Aprill.

“Sababtu waa in gidaarrada dhismahaasi looga hubiyo inay fuushan yihiin waxyaabaha gurguurta (Masasku)..” ayuu yidhi, Xoghayaha Warfaafinta oo Arbacadii la hadlay Warbaahinta, waxaanu intaa ku daray “Lama dilin Masaska, waayo? Waxa meelahaa jiray god yar oo ay ka noqdeen.”

Xafiiska Madaxweynaha ayaa illaa 2006-dii ku dhex yaallay Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda, xilligaas oo uu dab ka kacay Madaxtooyada.

Intii ka dambaysay Masaska lagu arkay Xafiiska Madaxweynaha Liberia, waxa la arkayey Booliska iyo Ilaalada Madaxtooyada oo gaadh ka haya Guriga gaarka ah ee Madaxweynaha Dalkaasi ku leeyahay Magaalada Caasimadda ah ee Monrovia.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online