“Dawladdii Tan Ka Horraysey Cid Qabata Ayay Lahayd, Ee Tan Yaa Looga Ashkatoonayaa..” ? Sheekh Aadan-Siiro

Hargeysa (HCTV) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay dhibaatada ay Ummadaha Muslimka ahi ka dhaxlaan Dulmiga, waxaanu ku baaqay in Bulshada Somaliland ka fogaato inay dhexdooda is-dulmiyaan.

Sheekhu wuxuu ka warramay sida Rasuulkeena Muxamed (CSW) uu Muslimiinta ugaga digay Dulmiga, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya “Waxaan si kooban uga hadlayaa waxa Dulmiga loo yaqaano iyo raadka uu ku yeesho Bulsho Muslimiin ah haddii aanay dulmigaa wax ka qabanin, Anigoo ku eegi doona waxa Toddobaadyadii u dambeeyay ka dhacayey Magaalada Hargeysa.”

Sheekh Aadan wuxuu khudbaddiisa farriin uu ugu nasteexaynayo ugu diray Madaxweynaha Somaliland “Waxaan ka warrami doonaa Dadkii Sharciga, Caqliga iyo Diinta iyo Damiirku shaqaynayey siday Dulmiga iskaga qaban jireen, farriintana waxaan u diri doonaa Madaxweynaha nasiibka u helay inuu hoggaamiyo Afar Milyan iyo Badh Muslimiin ah, nasiibna u helay inuu hor fadhiisto intaas oo Aqoonyahan oo Ummadda u ilo-bixin lahaa, Annaga oo u Tilmaami doona in dulmiga uu sameeyaa yahay mid taxan Adduun iyo Aakhiraba. Dadnimadayda iyo Damiirkaygu i siin maayaan inaan ka aamuso oo aan tilmaami-waayo dhacdo dulmiya oo dhacaysa.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sharraxay waxa uu Dulmigu yahay “Dulmigu waa maxay? Culimadii Diintii fahantay ayaa dulmiga waxay ku fasireen Adiga oo iska isticmaala oo sidaad doonto ka yeela Hanti ay Dad leeyihiin, Adigoo u maraya dariiq aan Xaq ahayn. Dulmigu waa Runta oo been laga dhigo, Beentana Run laga dhigo ‘Subxaannallaah’. Qof Masuul ah oo been Cad Ummadda u sheegaya ayaa ka mid ah Saddexda aanu Illaahay SW eegayn Maalinta Qiyaamaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “1440 sanadood ka hor, ayaa Culimadii Diinta fahantay yidhaahdeen ‘ILLAAHAY SW wuu u gargaaraa Dawladda Gaalada ah, hadday isku Caddaalad falaan,  ILLAAHAY’se uma gargaaro Dawladda dadkeeda dulmida haba ahaato Muslim’e, sidaa waxa yidhi Ibnu Taymiya.  Maxaa Maanta haysta Liibiya, maxaa haysta Yemen, maxaa haysta Suuriya oo ay Dad Muslimiin ahi ku nool yihiin ? maxaa ka dhacaya Dunida Muslimiinta, ILLAAHAY SW ayaa wax roga, laakiin sababteeda Dulmigaa ka mid ah.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu farriin u diray Xukuumadda Madaxweyne Biixi “Xukuumadda waxaanu leenahay waar Dulmiga ka daaya Maatida. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ‘Maatida dulman dacwaddooda iska ilaaliya, waayo? Samada ayay u baxdaa iyadoo dhimbiilo ah, ILLAAHAY SW ayaa u jawaaba oo yidhaahda ‘Weynidayda ayaa ku dhaartaye, waan kuu gargaari wakhti dambaba ha noqotee’..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markii aynu la dagaalanay Dawladdii Milletariga ahayd (Dawladdii Siyaad Barre), waxa Dalka lagu soo noqay iyadoo Danta guud ee Ummaddu leedahay ay 70% bannaan tahay, laakiin wixii dadku lahaa inyar baa ku kala tagtay (Qaadatay) oo kuwa Maanta Dalka u taliyaa ka mid yihiin, Nin walba intuu qaatay waalla yaqaanaa, laakiin waxa dhici doonta Maalin la iswaydiiyo oo Dad wax kala garanaya ama Dawlad baa iman doonta ama Maalinta Qiyaamaha ayaa la iswaydiin doonaa..”

Sheekhu wuxuu khudbaddiisa ku soo hadal-qaaday dhul Maxkamadaha Dalku u xukumeen Muwaadin Magaciisu yahay Maxamed Xasan Dalab, balse Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu doonayo inuu ka dhiso Madaxtooyo cusub “Maanta waxay maraysaa, wixii Qofku ku tabcay ee Afar Maxkamadood u xukumeen in Nin Awood dawladeed sheeganayaa uu yidhaahdo Anigaa qaadanaya, Sharci iyo Caqlina meel ay ku taallaana ma jirto, haddii lala xisaabtamana waa kuwa Dalka dhulkiisii wada qaatay kuwa Maanta waxaa sheegayaa, waar Sharciga hala ixtiraamo. Waxyaabaha keena in Ummadi dunto Dulmigaa ka mid ah, haddii dulmiga la joojin waayo, waxay keenaysaa in dariiq khaldan ay Dadku isticmaalaan, taasina waxay keenaysaa wixii hore u dhacay, markaa waxaanu leenahay ha laga daayo.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay in Xukuumaddii hore ee Somaliland ay lahayd Cid looga cawdo hadday dhibaato geysanayso, laakiin Madaxweynuhu aanu wax Talo ah ka qaadanayn Dadka iyo Masuuliyiinta la shaqeeya “Waar Dawladdii ka horreysay Dawladdan Cid qabataa jirtay, Caqli baa jiray oo Dad is-qabanaya ayay ahaayeen, Dad wada tashanaya ayay ahaayeen, Cid bay wax waydiinayeen, Cid looga Ashkatoodaa jirtay, tan yaa looga Ashkatoonayaa? Afartii Ag-joogay waxba waydiin maayo, Cid la tashan maayo oo wuxuu doono ayuu yeelayaa, Caqligu ha shaqeeyo oo Ummadda ha la kala bedbaadiya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Ninka sita xukunka Afar Maxkamadood, 80 Jir ah, Aabbihii Fooqii saddexaad ee Hargeysa dhisay, Tabcay ee Dadkii ugu Hantida badnaa Hargeysa ka mid ahaa, in Maanta dhulka la jiid-jiido ma aqbalayno, Waar Dulmiga diida. Haddii Sharcigii shaqayn waayo, Maxkamaddii shaqayb waydo, maxaa shaqaynaya..”?

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka