Tirada Dad Ku Dhintay Kiniisad Caan Ka Ah Koonfur Afrika Oo Duntay

K/Afika (HCTV)  – Inta la xaqiijiyey 13 Qof ayaa ku geeriyooday Kiniisad ku taalla Dalka Koonfur Afrika, waxaana dhaawacmay 29 Qof oo kale.

Kiniisaddan oo Magaceedu yahay Pentecostal church isla-markaana ku taal deegaanka KwaZulu-Natal oo xeebta kulaalaya ayaa qayb ka mid ahi duntay, gaar ahaan Wajahadda hore ee Kiniisaddaasi, waxaana halkaa ku dhintay 13 Qof, halka 29 kalena dhaawac soo gaadhay oo Cisbitaallada la dhigay.

Masuuliyiinta deegaankaasi ayaa dumidda Kiniisadda ku sheegay inuu sababay Roob mahiigaan ah oo habeenkii Khamiista halkaasi ka da’ay, kaasi oo hoos u dhigay Xamilkii awooddii uu ku sii taagnaan lahaa Gidaarku. Waxaana weriyeyaasha Maxaliga ahi sheegeen in xilliga Gidaarka Kiniisaddu dumay ay halkaa dad hurdeen,taasi oo ah sababta khasaaraha kordhisay.

Wajahadda Kiniisadda ayaa burburkeedu  imanayaa bilowga Munaasibad diimeed qorshaysnayd in la qabto dhammaadka Toddobaadka.

Jimcaha Maanta ayaa Barxadda hore ee Kiniisadda Duntay waxa loogu duceeyay Dadkii halkaa ku dhintay.

Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika oo sannadkii hore booqday Kiniisaddaasi, ayaa damacsanaa inuu dib u dhis ku sameeyo Kiniisaddaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka