Suxufiyad Caan Ah Oo Cabsi Daris La Noqotay

London, (HCTV) – Suxufiyada caanka ah ee Mary Harper oo ah Tifaftiraha Afrika ee BBC World Service, oo dhawaan qortay buug cusub oo la yidhaa ((THE MANY FACES OF AL SHABAAB) “Everything You Have Told Me Is True” ayaa si qoto dheer ugaga waramaysa cabsi xoog leh oo ay kala kulantay ururka Al-shabaab, kuwaas oo mar walba raad gura suxufiyadan.

Mary Harper ayaa sidoo kale qortay buug hore oo la yidhaa (Getting Somalia Wrong) ayaa sheegtay in Ururka Al-shabaab uu u soo diro telefoono joogta ah oo loogu hanjabayo laguna wargalinayo in la dili doono, waaanay hanjabaadahan la kulantaa hadii ay joogto dalka Ingiriiska iyo Hadii ay Afrika ku sugan tahayba.

Mary Harper ayaa ah Hooyo 53 jir ah oo haysata Wiil iyo gabadh, mudo 25 sanadood ahna waxa ay ku soo jirtay shaqada Saxaafada, waxaanay sanado badan ay ka soo waramaysay Somalia.

Suxufiyadan Caanka ah ee Mary Harper ayaa tilmaantay in ururka Alshabaab uu leeyahay sirdoon xirfad leh oo ka taageera dabagalada oo meel kasta jooga, haday kuwa wax kariya yihiin, askar haday yihiin, farsamayaanada gaadiidka haday yihiin, kuwa dhulka xaadha haday yihiin, kuwa adeegyada dadweynaha qabta haday yihiin iyo caruurta darbi jiifka ahba, dhamaantood way noqon karaan indhaha iyo dhagaha Al-shabab’ ayay timidhi Mary Harper.

Al-shabaab maaha Madow ama cadaan ee Al-shabaab cid walba way leedahay.

“Waxaan xaruun ka dareemayaa calooshayda,’ waxay sharaxday, “‘Sababtoo ah waxaan isku dayay inaan si aad ah uga taxadiro marka aan booqdo Somalia. Waxaan u sheegay dad aad u tiro yar inay suurto gal tahay inaan imanayo dalka, waan xidhay dhamaan barihii aan ku lahaa baraha bulshada, markii aan halkaa tagay.

‘Waxaan baday telefoonkaygii gudaha sida badan, waxaan isticmaalay fariimaha apps ma kasta oo aan doono. Kulanadu way qorshaysnaayeen, wakhtigooda iyo meelaha ay yihiin.

“Qorshayaashayda socdaalka gudaha ugaam hadi karayn si furan, waxaan la wadaagayey oo kaiya la taliyayaashayda amaanka. Siday Al-shabaab ku ogaanaysay dhamaan arimahan?

“Waanu la soconay meel kasta oo aad tagayso; cod ayaa sidaasi loogu soo sheegay. Waxa aanu dad ku leenahay dawladda, ciidamada amaanka iyo ururada aan dawliga ahayn ee NGOs-ka iyo warbaahinta oo noo sheegta wax kasta.

Waxaanu doonay inuu igala hadlo dadkii aan kula kulmay muqdisho. Wuu helayey mar kasta sida saxda ah.’ Waxaanay tidhi “waxay I xasuusisay odhaahdii aan badanaa ka maqli jiray soomaalida ee ahayd; “Alshabaab meel kasta way ku sugan tahay, waligaana ma ogaan kartid kuma ayaa Al-shabaab ah.’.

Al-shabaab waxay hayaan telefoonka Mary ee Ingiiriska iyo marka ay u duulayso London – waxa ay sanadkii saddexda bilood ku qaadataa Afrika inta kalena dalka ay degan tahay ee UK.

Hase yeeshee Suxufiyadan caanka ah ee ka tirsan BBC-du waxa ay sheegtay in hanjabaadaha ay la kulanto ay ka mid yihiin in cida soo wacdaa marka ay kala hadasho Al-shabaab cadaawada ay u qabto uu telefoonka jaro.

Ayaa waxay tidhi “Waxa uu ii sheegay, “Bal eeg, waxa aad leedahay saaxiibo badan oo Soomaali ah, maaha Maaha Saaxiibadaada dhabta ah. Saaxiibkaaga dhabta ahi waa ka kaa badbaadinaya cadaabka kulul, waa halka aad ku dambaynayso hadii aanad qaadan Islam-ka”

https://www.thetimes.co.uk/article/the-bbcs-mary-harper-im-stalked-by-al-shabaab-kr70ks3m9