Galmudug: Bakhaar Hubka Lagu Keydiyo Oo Dab Xoogan Ka Kacay

Gaalkacayo, (HCTV) – Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya inuu dab xoog lihi uu ka kacay saaka subixii hore Bakhaar hubka lagu kaydiyo oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Docol oo 40km u jira magaalada Gaalkacyo.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu ka dhashay koronto ama laydh, kaa oo saameyn weyn ku yeeshay qeybo ka mid ah Bakhaarka. Waxaana sidoo kale qaraxyo sameeyey hubkii dhex yeelay Bakhaarkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Galmudug oo ku saabsan dabka`ka kacay Bakhaarkan ku yaalay deegaanka Docol ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkan oo ahaa mid xooggan oo laga dareemay guud ahaan xaafadaha kala duwan ee Gaalkacayo.

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA