Maxaa Ka Soo Kordhay Weerarkii Saaka Ee Srilanka ?

Srilanka (HCTV) – Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxaya Weerar Saaka lagu qaaday Saddex Kiniisadood iyo Saddex Huteel oo ku yaalla Dalka Srilanka ayaa sheegaya inay kordheen Tirada Dadka ku Geeriyooday.

Wararkii hor-dhaca ahaa ee Weerarkaa ka soo baxay ayaa sheegay in la weerarray Saddex Kiniisadood, kuwaasi oo mid ku taallo Gudaha Caasimadda Kolombo, halka labada kalena ku yaallaan Magaalooyin kale iyo Saddex Huteel oo ah nooca Dadka ladani tagaan ee lagu raaxaysto, waxaana weerarkaasi oo qaraxyo loo adeegsaday ku Geeriyooday dad gaadhaya 156 Qof, halka ay ku dhaawacmeen Dad ka badan 400, sida ay sheegtay Wakaaladaha Wararka ee AP.

Laakiin, Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegay in Qaraxyo aanay lix ahayn ee uu jiro Qarax 7-aad oo ka dhacay Caasimadda Srilanka ee Kolombo, sida ay baahisay Al-jazeea oo HCTV ka soo xigtay.

Qaraxa 7-aad ayaa oo ka dhacay meel ka fogayn Carwada Xayawaanka ee Caasimadda ku taalla, ayaa dilay Dad Wararka hor-dhaca ahi tiradooda ku sheegeen 2 Qof.

“Ma Cadda halka Dadka wax qarxiyey Yoolkoodu ahaa..” sidaa waxa yidhi, Ciidammada Booliiska oo Qaraxyada ku jaho-wareersan.

Dhanka kale, Ciidammada Amniga ayaa dalka oo dhan geliyey Xaalad deg-deg ah, waxaana la xayiray Baraha Bulshadu ku xidhiidho, si Gacanta loogu dhigo Amniga.

Raysal-wasaare Ranil Wickremesinghe ayaa bixiyey Amarka Xaaladda deg-deg ah, ka dib markii uu kulan deg-deg ah la yeeshay Saraakiisha ugu sarraysa Ciidammada iyo Golaha amaanka Qaranka.

Dadka Qaraxyadan ku Geeriyoodaya ayaa badankoodu ku sugnaa Kiniisadaha oo ay badankoodu u joogeen cibaadaysi ku saabsan Xus diimeedka Kiristaanka ee Easter, oo sannad kasta oo bishan gudaheeda Dadka Kiristaanka qabsadaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka