Somaliland Oo Baaq U Dirtay Hay’adaha Qaramada Midoobay

Boorama (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah ugu baaqay inay isku barbar istaagaan sidii Wasaarad ahaan ay Shacabka ugu jihayn lahaayeen inay wax u filan la soo baxaan.

Wasiirka oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boorama ayaa ugu horreyn shacabka farriin u diray, waxaanu yidhi “Maaddaama oo aynu ku jirno Wakhti roobaadkii, waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay dhulkooda wax kala soo baxaan.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxaan baaq u dirayaa Hay’adaha Qaramada Midoobay, Hay’adaha Caalamiga ah, Hay’adaha Maxaliga ah iyo dhammaan Shacabka reer Somaliland ee Qurbaha jooga inay dhamaantood isla kayo garab istaagaan sidii aanu dalkan ugu jeexi lahayn Waddo ah inay dalkooda kala soo baxaan cunto ku filan..”  

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka