Ethiopia Iyo Qatar Oo Heshiisyo Wada-gaadhay

Doha, (HCTV) – Dawladaha Ethiopia iyo Qatar ayaa ku heshiiyey inay kor u qaadaan isla markaana ay xoojiyaan wadashaqaynta labada dal gaar ahaana dhinacyada arimaha bulshada iyo shaqaalaha.

Labadan dal ee Qatar iyo Ethiopia ayaa heshiisyadan hoosta kaga xariiqay kadib markii ay kulan yeesheen Wasiirka Arimaha Bulshada iyo Shaqaalaha ee dalka Ethiopia Dr. Ergoge Tesfaye iyo Mr. Yousef bin Mohammed Al Othman Fakhroo, oo ah Wasiirka dawladda Qatar u qaabilsan arimaha bulshada, shaqaalaha iyo horumarinta maamulka, kuwaas oo maanta 22 bishan ku kulmay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale isfaham ka gaadhay in la horumariyo xidhiidhada ganacsiga, baayacmushtarka iyo maalgashiga labada dal, sida ay baahisay Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Ethiopia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.