Shacabka Laascaanood Oo Si Gaar Ah U Tukaday Salaad Roob-Doon Ah

Laascaanood  (HCTV) – Shacabka ku dhaqan Magaalada Laascaanood ayaa Maanta isugu soo baxay Tukashada Salaad Roob-doon ah.

Shacabka Magaaladaasi ayaa waxa Tukashada Salaadda kala qayb-galay Masuuliyiinta Gobolka Sool iyo Culimada Diinta oo markii Salaadda la tukaday halkaa ka soo jeediyey khudbado khuseeya ahmiyadda Alle ka cabsiga.

Dadweynaha oo ku tukaday Garoonka Ismaaciil Mire, ayaa Ilaahay ka baryey inuu  Raxmaadkiisa u shubo, maaddaama oo ay deegaannada Bariga Somaliland oo gobolka Sool ka mid yahay ay ka taagan tahay Biyo la’aann baahsan.

Sheekh Aadan-weli Cabdi Xuseen oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa ku duceeyay inuu Allaah SW uu Raxmaadkiisa u shubo Ummadda Muslimiinta ah guud ahaan, gaar ahaana Shacabka Gobolka Sool.

Sheekhu wuxuu Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sool ku dardaaray inay iscafiyaan, Ilaahayna u noqdaan, waydiistaana dambi-dhaaf.

Guddoomiyaha Gobolka Sool oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Ilaahay dambi-dhaaf baanu waydiisanaynaa, Ilaahay waxaanu waydiisanaynaa inuu Raxmaadkiisa na siiyo.”

Gobollada Somaliland ayaa Toddobaadkii hore laga tukaday Salaad Roob-doon ah, balse Gobolka Sool ayaan xilligaa Gobollada kale la tukadan Salaadda, balse Maanta si gaar ah u tukaday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA