Wadamada Badda Cas Iyo Gacanka Cadan Oo Shir Ku Yeeshay Sucuudiga

Riyadh, (HCTV) – Wefti ka socda dalka Eritrea oo ay ka mid yihiin la taliyaha Madaxweynaha Eritrea, Yemane Ghebreab iyo Hagos Ghebrehiwet oo ah madaxa arimaha dhaqaalaha ayaa ka qaybgalay kulan heerkiisu aad u sareeyo – oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan, kaas oo lagu qabtay Riyadh 21-22 bishan April, 2019.

Waxaa shirkaasi ka qaybgalay sideed dal oo wadamada badda cas iyo gacanka cadan ka tirsan, kuwaas oo kala ahaa:  Masar, Eritrea, Djibouti, Jordan, Saudi Arabia, Somalia, Sudan iyo Yemen ayaa soo xaadiray shirka.

Shirkan uu agaasinkiisa iyo qaban qaabadiisa uu lahaa dalka Sucuudi Arabiya ayaa laga hadlay arimo ku saabsan Muhiimada Istaraatajiyadeed iyo siyaasadeed ee uu leeyahay gobolka Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo gobolka iyo caalami ahaanba saamayn ku leh.

Waxaana arinta diirada lagu saaray shirkaasi ka mid ahaa sidii loo ilaalin lahaa amaanka badda cas iyo sidii dalalkani ay iskaga kaashan lahaayeen hawlaha amaanka ee marin biyoodkan muhiimada balaadhan ugu fadhiya guud ahaan dalalkan.

http://www.shabait.com/categoryblog/28378-eritreas-statement-at-the-meeting-of-high-level-officials-of-red-sea-and-gulf-of-aden

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA