Baarlamaanka Iran Oo Ciidamada Maraykanka U Aqoonsaday Argagixiso

Tehran, (HCTV) – Aqalka Baarlamaanka dalka Iran ayaa maanta oo Salaasa ah ku dhawaaqay inay meel mariyeen ga’aan ay ciidamada Maraykanka ee ku sugan bariga dhexe ay ugu aqoonsanayaan Argagixiso.

Go’aanka Aqalka Baarlamaanka ee dalka Iran ayaa soo baxaya maalin kadib markii dawlada Maraykanku ay ku dhawaaqay in ay cunaqabatayn saarayso dalka saliida ka iibsada Iran.

Sidoo kale talaaban maanta uu qaaday Baarlamaanka dalka Iran ayaa jawaab u noqonaysa go’aan hore oo dawladda Maraykanku ay ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran ay ugu aqoonsatay Argagixiso.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay dalka Iran, waxaana cunaqabataymahaasi kamid ah qaybta Energy-ga, sidoo kale dawlada Madaxweyne Trump ayaa ku badhi-furtay dalka Iran oo kaga baxday heshiiskii dhinaca Nuclear-ka ah oo Iran ay la gashay dawladda Maraykanka xiligii Obama uu ka taliyeynayey dalka Maraykanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA