Jeer Farabadan Oo Dhimatay Seeraha Ethiopia

Addis Ababa, (HCTV) – Ugu yaraan 28 jeerood ayaa laga helay iyagoo bakhtiyey Seere ku yaalka Koonfur-galbeed dalka Ethiopia sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

28-kan Jeerta ah ee ku dhintay seerahaasi ayaan ilaa iyo hada la garayn waxa sababay dhimashadooda, Gibe Shekeko National Park oo ay ku nool yihiin duurjoog farabadan oo Jiirtaasi ka mid yihiin ayaa ku ag taala wabiga Gibe oo ka sii farcama Wabiga Omo ee Koonfurta-galbeed ee dalka Ethiopia.

Madaxa Seeraha qaranka Ethiopia Bahrua Mega ayaa warbaahinta FANA u xaqiijiyey, waxaanu tilmaamay 15 ka mid ah jeertaasi ay dhinteen maalin kaliya.

“Waxa jira talaabooyin sharci daro ah oo khatar ku ah Seeraha,” ayuu yidhi Mega, waxaanu intaasi ku daray in dad ay jarayaan dhirtii seeraha ku taalay.

Seerahan ayaa ku fadhiya dhul cabirkiisu gaadhayo 36,000 kilometer oo isku wareega ah oo 250 km ay koonfur kaga beegan yihiin Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA