Ma Xidiidh-baa Ka Dhexeeya Weerarradii Srilanka Iyo Kuwii Masaajiidda New Sealand ?

Sri Lanka (HCTV) – Dawladda Srilanka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay Qaraxyo xidhiidh ahaa oo ka Axaddii ka dhacay  3 kiniisadood iyo 3 Huteel oo ku yaalla Dalkaasi.

Wasiirka Difaaca ee Dalka Srilanka Ruwan Wijewardene, ayaa sheegay in baadhitaannada ugu horreeyay ee ku sameeyeen Qaraxyadan iyo Cidda loo malayn karo inay ka dambayso, in la xaqiijiyey in Weerradani xidhiidh la lahaayeen Weerar Bishii hore ka dhacay Dalka New Zealand, kaasi oo Nin hubaysani ku dilay 50 Qof oo Muslimiin ah oo ku tukanayey laba Masaajid oo ku yaalla Magaalada Christchurch.

Wasiirku wuxuu sheegay inay Dawlad ahaan rumaysan tahay in laba Urur diimeed oo Muslimiin ah oo Maxali ahi ay fuliyeen Weerarkii lagu beegay Xus diimeedka Easter, weerarkooduna uu xidiidh la leeyahay Weerarkii Christchurch, sida uu qoray The Indepedent oo Horn Cable Tv uu Warkan ka soo xigtay.

“Baadhitaankii ugu horreeyay waxa noogu muuqday in waxa ka dhacay Srilanka uu xidhiidh la leeyahay Weerarkii lidka ku ahaa Muslimiinta Magaalada Christchurch..” ayuu Wasiirku u sheegay Baarlamaanka, isagoo intaa raaciyey in Weerarradan ka dhacay Srilanka ay ka dambeeyeen oo ay fuliyeen laba Urur Diimeed oo Magacyadoodu kala yihiin, National Thowheed Jamaat iyo Jammiyathul Millathu Ibrahim.

Raysal-wasaare Ranil Wickremesinghe oo isaguna la hadlay Baarlamaanka ayaa sheegay inay baadhayaan in kooxaha weerarka geystay ay Ururro dibedeed xidhiidh la leeyihiin.

Inkasta oo Dawladda Srilanka Weerarkan ku xidhiidhisay Ururr diimeedyo Maxali ah, haddan xogo laga helay Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in Weerarradani leeyihiin Astaamihii weerarrada Daacish ama IS.

Dhanka kale, Warka Dawladda ayaa soo baxay xilli Dadkii ku dhintay Weerarrada Srilanka ay tiradoodu gaadhay 321 Qof, halka dhaawacunu ka badan yahay 500 Qof.

Dawladda Srilanka ayaa Dawladaha Safaaradaha ku leh Dalkooda ka codsaday inay ka caawiyaan baadhitaanka ay arrintan ku wadaan iyo la dagaalanka waxay ugu yeedheen Argagixisada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka