Ninka Ugu Taajirsan Denmark Oo 3 Carruur Ah Ku Waayey Qaraxyadii Sri Lanka

Denmark, (HCTV) – Anders Holch Povlsen oo ah Ninka ugu Maal-qabeensan Dalka Denmark, ayaa saddex ka mid ah Afar Carruur ah oo uu dhalay ay ku dhinteen qaraxyadii xidhiidhka ahaa ee dalka Sri Lanka ka dhacay Axaddii Toddobaadkan.

Kadib markii qoysku ay booqasho munaasibad diimeedka Easter-ka ay fasax u tageen dalkaasi, halkaasi oo ay Qaraxyo xidhiidh ahi ka dhaceen “Nasiib-daro, waan xaqiijinayaa in warku uu xaqiiqo yahay,” sidaasi waxa yidhi Jesper Stubkier, oo ah Afhayeen u hadlay shirkadda fashion tycoon, oo mar uu la hadlayey wakaalada wararka Danish-ka ee Ritzau.

Afhayeenkan oo hadalkiisa sii wata ayaa Warbaahinta ka codsaday inay xushmeeyaan Arrimaha Qoyska Carruurtu ka dhimatay u gaarka ah “Waxaanu idinka codsanaynaa inaad xushmaysaan arrimaha Qoyska u gaarka ah, sidaa darteed ma hayno Faahfaahin intaa ka badan..”

Ganacsade Povlsen, ayaa ah 46 jir iska leh shirkadda suuqa wanaagsan haysata ee Fashion, ayaa haysta Lacag gaadhaysa $7.9 billion.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka