Eritrea Oo Xidhay Xadka Ay La Leedahay Ethiopia

Asmara, (HCTV) – Dalka Eritrea ayaa xidhay xadka uu la wadaago dalka ay jaarka yihiin ee Ethiopia, mudo sanad ka yar oo xidhiidhka labada dal ee dhinaca nabadu uu soo hagaagay.

Sida ay baahisay Warbaahinta DW qaybta afka Amxaariga ku hadasha, kuwaas oo sheegay in marinkii ugu dambeeyey ee isku socodka labada dal la soo xidhay, waxaana wararku intaa ku darayaan xadka la xidhay uu ka yimid oo kaliya dhinaca dalka Eritrea.

“Kadib markii la soo xidhay xadka Serha-Zalambesa oo labada dhinac ay isku socdeen ilaa bishii December iyaa sidoo kale todobaadkii u dambeeyey la xidhay xadka kale ee Om Hajer-Humera, waxaana saraakiil Ethiopian ahi ay sheegeen in Eritria ay subaxnimadii saaka ay xidhay xadka Assab-Bure – taas oo macnaheedu yahay in dhamaan xadadka ay wadaagaan labada dal ay xidhan yihiin,” Sida wakaalada Reuters uu u sheegay suxufi Aaron Maasho oo qoraal uu arintaasi kaga hadlayana soo dhigay barta uu Twitter-ka ku leeyahay.

Xadka Serha-Zalambesa ayaa isagu ilaa bishii September ee 2018 furnaa, xiligaas oo ay dadku iskaga gudbayeen labada dhinac maadaama oo dalka Ethiopia uu xiligaasi ku jiray sanadka cusub ee Ethiopia, kadib markii ay labada dal ay isku waafaqeen inay meesha ka saaraan khilaafyada isla markaana ay kala qaadeen ciidamadii xuduuda dhoobnaa sidaana ay heshiis ku gaadheen.

Hase yeeshee Afhayeen ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada dalka Ethiopia oo warfidiyeenadu ay wax ka waydiiyeen inuu macluumaad laga siiyo xadkaasi ay xidhay dalka Ethiopia ayaa ka gaabsaday isagoo sheegay in aau wakhti xaadirkan ka jawaabi karayn.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA