Guryo-Samo: Ciyaartii Kama Dambaysta Oo La Ciyaaray Iyo Kooxda Ku Guulaysatay Koobka

Hargeysa, (HCTV) – Ciyaartii ugu dambaysay ee Final-ka koobka ka socday Garoonka guryo samo ayaa la soo gabogabeeyey maalintii shalay, oo ciyaar adag oo ahayd ciyaartii kama dambaysta ahayd ay ku dhex martay labada kooxood ee GADAR VILLAGE iyo kooxda MAAN oo ku ciyaaray garoonka Gurya-samo ee magaalada Hargeysa.

Ciyaartan oo ay dadweyne farabadan daawashadeeda ka soo qaybgaleen ayaa ahaa kulankii kama dambaysta ahaa ee tartankii mudada ka socday garoonka Guryo-samo ee magaalada Hargeysa.

Labadan kooxood oo ciyaarihii ka socday Garoonka Guryo-samo si hufan uga qaybqaatay ayaa ciyaartaasi kama dambaysta ahayd ay guushu Raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca MAAN halkaas oo ay uga mahadnaqeen ciyaartoygii dhigooda ahaa ee GADER VILLAGE, halkaas oo dadweynuhuna ay soo dhaweeyeen.

Kooxda MAAN ayaa goolka 1aad waxa u dhaliyey ciyaartoyga Cabdicasiis iyadoo qaybtii dambe ee Ciyaartana ay guushu gacanta u gashay kooxda MAAN oo iyagu ku guulaystay koobkii ka socday garoonka Guryo Samo ee magaalada Hargeysa.

Gabagabadii Ciyaarta ayaa waxa ka hadlay masuul ka mid ah Guddida Garoonkaasi oo la yidhaahdo Yaasiin Aabo-yare oo isagu soo dhaweeyey oo isagu soo dhaweeyey qaabkii dhalinyaradii ku ciyaaraysay Garoonka Guryo-samo ay isku dhex Galeen.

Waxaana gabogabadii ciyaarta la gudoonsiiyey Koobkii Garoonka Guryo Samo ka socday ee oo ay ku guulaysatay kooxda ku ciyaaraysay magaca MAAN, halka sidoo kalena dhamaan ciyaartoyada kale ee labada kooxoodba la siiyey abaalmarino kala duwan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA