37 Qof Oo Sucuudigu Dil Ku Fuliyey Oo La Ogaaday In Lagu Khasbay Inay Dambiyada Qirtaan

Waraaqo Maxkamadeed Oo CNN-Tu Heshay Oo Muujiyey In 37-Kii Qof Ee Sucuudigu Dilka Ku Fuliyey Ay Ku Dhawaaqayeen Ilaa Markii Dilka Lagu Fulinayey In Aanay Dambi Galin.

Riyadh, (HCTV) – 37 rag ah oo u dhashay dalka Sucuudi Carabiya oo maalintii salaasadii dil lagu fuliyey ayaa la sheegay in jidh-dil loo gaystay awgeed ay sameeyeen qiraal been ah, sida ay sheegayaan waraaqo documentiyo ah oo uu helay telefishanka CNN.

Dawlada Sucuudiga ayaa sheegtay in 37-ka qof lagu helay dambiyo ah inay maleegayeen weeraro qaraxyo ah, iyo dilka tiro saraakiisha amaanka ah iyo la shaqaynta ururada cadowga ah ee ka soo horjeeda danaha dalka.

((Abdulkarim al-Hawaj Waxa Madaxa Ka Gooyey Sucuudiga kadib markii la xidhay isagoo dhalinyar ah, markii uu WhatsApp-ka uu ku faafiyey in dibadbax nabadgalyo ah la sameeyo))

Balse documentiyada loo dusiyey CNN-ta Jimcihii shalay ayaa sheegaya in raga la laayey ay ka mid ahaayeen Shiicada laga tirada badan yahay ee dalkaasi Sucuudiga degan, kuwaas oo ku dhawaaqayey ilaa neefsashadii ugu dambaysay ee dhimashadooda inaanay dambi galin.

Maxamed al-Musallam oo ka mid ahaa ragii xabsiga ku jiray intii aan la dilin ka hor ayaa maxkamadii la hor keenay u sheegay inuu dhaawacyo iyo jidh-dil kala kulmay ciidamada amaanka markii ay su’aalaha waydiinayeen.

“Wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiro inaanu qiranay, kuumana cadayn karo in la igu khasbay in aan sidaasi sameeyo,” al-Musallam ayaa sidaasi yidhi.

Dhinaca kale madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqal insaanka ayaa dhawr maalmood ka hor cambaareeyey dil wadareedkaasi.

Sidoo kale hay’adda Human Rights Watch (HRW) ee fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa sheegtay in ugu yaraan 33 ka mid ah 37 nin ee la dilay ay Shiico ahaayeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA