Dubai Oo Sanad Kasta Qabata Alaabo Been Abuur Ah Oo Qiimaheedu Dhan Yahay $17 Million

Dubai, (HCTV) – Waaxda ilaalinta Anshaha iyo xadaarada wax soo saar ee Dubai ayaa qabatay 340 isku day oo lagu doonayey in Alaab been abuur ah la soo galiyo Imaaraadka Carabta, Alaabtaas oo qiimaheedu dhan yahay Dh63 million oo lacagta Imaaraadka oo u dhiganta $17 Million oo dollar, ayaa gacanta lagu soo dhigay 15-kii bilood ee la soo dhaafay.

Waxaanu Axmed Mahboob Musabih uu sheegay in afartii bilood ee ugu horeeyey sanadkan ay qabteen 68 nooc oo alaab been abuur ah.

“Waaxdan Dhaqanka Dubai waxay qabatay Alaab gaadhaysa 23,000  oo lagu sameeyey Miin guurin iyo u ekaysiin, 16 calaamado ganacsi ah, oo qiimahoodu gaadhayo Dh11 million, intii u dhaxaysay bishii January ilaa March ee sanadkan.

Halka sidoo kale 272 la isku dayey in la soo galiyo Alaab been abuur ah, oo ku kacaysa Dh52 million, oo la qabtay sanadkii 2018,” ayuu yidhi Axmed Mahboob oo ah maxa ilaalinta xadaarada iyo dhaqanka dubai, waxaanu intaasi ku daray “Alaabta Been Abuurka ahi waxay khatar ku tahay deegaanka iyo dadka isticmaalaba.”

Hatem Abdelghani, oo ah Agaasimaha qaybta Ilaalinta Hantida Aqoonyahanka ayaa u sheegay warbaahinta Khaleej-Times oo HCTV uu soo xigtay, in ugu yaraan Alaab been abuur ah oo dhan 25 million ay ku qabtaan sanadk kasta Imaaraadka Carabta.

“Alaabaha la isku qurxiyo iyo wax soo saarada kale ee loo isticmaalo in lagu daryeelo jidhka ayaa liiska alaabaha la qabto xaga sare kaga jira,” ayuu yidhi waxaanu intaasi ku daray inuu bulshada ku dhiirigalinayo inay ogaadaan wax soo saarka saxda ah marka ay wax iibsanayaan.

Talaabadan ay ku soo qabatay Alaabta been abuurka ah Waaxda Ansha Dubai ayaa muujinayo dedaalo lagu ilaalinayo xaqa hantida aqoonyahanka (IPR), waxaana Imaaraadka Carabtu uu balan qaaday ilaalinta hantida maskaxda aqoonyahanka markii uu ku biiray ururka Intellectual Property Organisation sanadkii 1975, ayuu hoosta ka xariiqay Musabih.

“Waxaanu ilaalinaynaa hantida maskaxeed ee aqoonyahanka iyo mashruuc kasta oo horumarineed, sidoo kalena waxa aanu ka dhabaynaynaa inaanu qabano bandhiga World Expo 2020 oo ka dhici doona Dubai.”

Waaxdan Ilaalinta Anshaxa iyo Xadaarada Dubai ayaa waxa ay isku keentay 46 goobood oo wax soo saar si ay uga wadashaqeeyaan calaamadaha ganacsiga ee ay leeyihiin iyo in si xirfadaysan oo farsamo ah aan loo xadin nashaqada wax soo saarkooda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA