Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo La Kulmay Madaxweyne Putin

Beijing, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, waxaanay labada hogaamiye ay ka wadahadleen xidhiidhka laba geesoodka ah ee taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia.

Kulanka Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia iyo Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa dhacay xili ay labada masuul shir caalamiya oo ka socda dalka Shiinaha ay ka qaybgalayaan.

Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa martiqaad rasmi ah u fidiyey Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia inuu socdaal ku yimaado dalka Ruushka sanadkan gudihiisa.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha hay’adda lacagta aduunka ee (IMF) Ms. Christine Lagarde, intii kulankaasi Beijing lagu gudo jiray.

Waxaana Ms Lagarde qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ay ku sheegtay in wadaxaajood wanaagsani uu dhexmaray iyada iyo Raysal Wasaare Dr Abiy Axmed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA