HCTV CUP: Yaa Ku Guulaystay Tartankii Is-dhexgalka Dhallinyarada Ee Gobolka Saaxil ?

Berbera (HCTV) – Garoonka doogga Cagaaran ee Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxa ku soo gebogaboobay tartanka koobka is dhexgalka Dhallinyarada Gobolka Saaxil.

Koobkan waxa dhigay Telefiishanka Horn Cable Tv oo kaashanaya Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay u dhigeen dhallinyarada Gobolka Saaxil ee kubadda Ciyaarta.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd waxa isugu soo hadhay kooxaha ku kala ciyaarayey SOFA iyo DAAR Designing.

Gebogabada Ciyaartan waxa ka soo qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil, ahna ku simaha Badhasaabka Gobolkaasi, Maxamuud Xaaji Ibraahim, Xildhibaan Cali Cabdi dheere iyo Maamuleyaasha Kastamka iyo Baanka Berbera iyo Maamulayaasha labada kooxood.

Cabdikariin Siciid Saalax oo ku hadlayey Magaca Maamulka Telefiishanka HCTV oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Labada kooxood ee iskugu yimid tartanka is dhex-galka dhallinyarrada ee Telefiishanka HCTV. HCTV dalka oo dhan wuu ka soo qabtay Gobollada kale ee dalka, kuwaasi oo dhallinyaradu aad uga heleen, tartamo kuwan la mid ahna waynu wadaagi doonaa Isku-duwaha iyo guud ahaan Maamulka Gobolka saaxilna waanu u mahad-naqaynaa..”

Isku-duwaha Wasaaradda Ciyaaraha ee Gobolka Saaxil, Shaafici Aadan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Koobkan waxa ku tartamayey 8 kooxood, waxaana ku guulaysatay kooxda SOOFE..”

Xildhibaan Cali Cabdi dheere oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deegaanka Berbera oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Telefiishanka HCTV ku amaanay qabashada tartankan “Tartankan waxa qabtay Telefiishanka HCTV, waxay ina odhan jireen HCTV waalla wada leeyahay, waxaanu leenahay Maanta ayaa la wada leeyahay..” ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil, ahna ku simaha Badhasaabka Gobolkaasi, Maxamuud Xaaji Ibraahim, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Maamulka, Weriyeyaasha iyo guud ahaan hawl-wadeennada Telefiishanka HCTV ku bogaadiyey qabashada tartanka la soo gebogabeeyay, isagoo soo jeediyey in halkaa laga sii wado.

Gebogabadii waxa Koobka lagu wareejiyey kooxda ku guulaysatay, waxa kale oo abaal-marino la siiyey Ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa intii tartanku socday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka