Axmed I. Samatar Oo U Diyaar Ah In Loo Magacaabo Wasiirka Arrimaha Dibedda

Berbera (HCTV) – Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonnada Somaliland, ayaa sheegay inuu wato Shuruudo uu doonayo in Dawladdu ka soo baxdo, haddii la doonayo inuu qabto Xilka Wasiirka Arrimaha dibedda.

Samatar oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in 28-kii Sannadood ee Somaliland jirtay aanay kasbanin Saaxiib keliya oo aqoonsada isla-markaana si sax ah ula Macaamila, waxaanu yidhi “28-kii sannadood wixii aynu is lahayn waxbaad isku daydeen aanay faa’iido keenin, waddan qudha oo Maanta ina aqoonsan oo aynu Saaxiib la nahay ma jiro, markaa in la iswaydiiyo sow maaha.”

Axmed Ismaaciil Samatar oo la waydiiyey waxa uu ku kordhin karo siyaasadda arrimaha dibedda, haddii loo dhiibo Wasaaradda Arrimaha dibedda, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ka midho-dhaliyo Siyaasadda arrimaha dibedda, haddiise loo Magacaabayo Xilka Wasaaradda Arrimaha dibedda uu doonayo in la fuliyo Shuruudaha uu wato “Anigu Somaliland umaan umanin, doorashadana uga qayb-gelin inaan Wasiir noqdo, laakiin hadday timaaddo oo aan ogolaado, waxaan rabaa inaan ku guulaysto, ma doonayo inaan Xafiis iska fadhiyo la i yidhaahdo ‘Wasiir Samatar’, laakiin waxaan doonayaa inaan shaqadaa ku guulaysto oo aan iska dhameeyo, dabadeedna aan noloshayda iyo shaqadayda ku noqdo, markaa Anigu Shuruudo ayaan wataan haddii la igu yidhaahdo shaqada Arrimaha dibedda qabo, Nin Wasiirnimo doonaya ma ihi, laakiin haddii la yidhaahdo Waddankii baa kuu baahan waa Caadi, markaa Aniguna Shuruudo ayaan wataa si aan shaqadaa uga adkaado, markaa Madaxda Somaliland waxaan leeyahay Shuruudahayga ma ka soo baxaysaan..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka